Video: Qorshe looga hortagayo in la iibsado doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online)-Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir oo ka qeyb galay barnaamij Dood ah oo si toos ah kaga baxayay TV-ga Somali Cable ayaa ka hadlay arimaha dorashooyinka iyo doorka ay ku leeyihiin ilaalinta musuq maasuqa doorashada sanadkaan.

Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliya ayaa sheegay iney si dhow ula socon doonaan arimaha doorashooyinka dalka ayna ka hortagi doonaan wax walbaa oo musuq maasuq keeni kara.

Isaga oo ka hadlayay doorka hayadaha garsoorka ay ku yeelan karaan doorashooyinka sanadkaan, ayaa wuxuu sheegay ineysan marnaba aqbali doonin in musuq maasuq ay sameeyaan musharaxiinta sanadkaan tartameysa iyo xildhibaanada lasoo xulayaba.

Hoos ka Daawo Muuqaalka