Xog: Xasan Sheekh oo Jawaari iyo CC u adeegsanaya danihiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya dhanka xubno ka tirsan Madasha Qaranka, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu ka weecday shuruucda hageysay shirka Madasha.

Xubnaha waxa ay sheegen in Xassan Sheekh saacadihii ugu danbeeyay uu xooga saaray adeegsiga Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari si uu kaga guuleysto Madaxda maamulada xubnaha ka ah shirka Madasha Qaran.

Xubnaha ka tirsan Madasha ee aan xogtaani la wadaagnay waxa ay sheegen in Madaxweyne Xassan uu labada Mas’uul faray inay ku dhex milmaan Madaxda Gobollada ee xubnaha ka ah Madasha si looga dhaadhiciyo qaadashada Jadwalka cusub maadaama ay muuqato in doorashada ku dhicikarin xiligeeda.

Xogta Xubnaha waxa ay intaa kusii dareysaa in Madaxweyne Xassan uu Madaxda maamulada si cad ugu sheegay inuu qaadan doono wixii kasoo baxa go’aanka ay wadaan Guddiga Doorashooyinka kaasi oo saadaashiisu tahay in dib loo dhigi doono doorashada.

Sharmaarke iyo Jawaari oo kulamo kala duwan la qaatay Mas’uuliyiintaasi ayaa la sheegay inay ku fashilmeen in Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ka dhaadhiciyaan inuu qaato go’aanka lagu bedelaayo Heshiiskii hore, balse waxaa la sheegay in rajo ay jirto in Gaas uu u hogaansamo qorshaha uu wato Xassan Sheekh.

Docda kale, Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa qaatay wax waliba oo maslaxad u ah dalka, waxa ayna sheegen inaanu ka hor imaan doonin wixii lagu heshiiyo ee kasoo baxa shirka, waxaana muuqaneysa in Seddexdaasi mas’uul ay la dhacsan yihiin qaabka uu Xassan Sheekh wax u wado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com