Faroole oo si yaab leh uga hadlay ciidanka uu Amisom weydiistay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland, C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa ka hadlay wararka sheegaya in shaqsi ahaantiisa uu Taliska AMISOM weydiistay ciidamo gaar ah oo ilaaliya amnigiisa inta ay socto doorashada Somalia.

Faroole waxa uu sheegay in inta badan Warbaahinta ku hadasha afka Soomaaliga iyo kuwa qoraalka ah ay baahiyeen in AMISOM uu ka dalbaday ciidamo, waxa uuna dafiray inuu weydiistay ciidamo.

Isaga oo dafiraaya wararka sheegaya in Taliska AMISOM uu ciidamo weydiistay ayaa waxa uu yiri ”Waayadan danbe waxaa igu maqaal ah in warbaahinta ay aad u hadal heyso in AMISOM aan ka dalbaday ciidamo i ilaaliya inta ay doorashada socto anigu ma weydiisan waxa leyga qorayna waa wax aan jirin”

”Aqoon uma lihi meesha lagala hadlo AMISOM iyo cidda lagala xiriiro arrimahooda”

”Dadkaan qalqaalinaaya doorashada oo Beesha Caalamka ay ku jirto, iyaga ayay khasab ku tahay inay suggaan ammaanka, hala gaaro waqtigeeda”

Si kastaba ha ahatee, C/raxmaan Faroole waxa uu kamid yahay Musharaxiinta u tartameysa xilka madaxtinimo ee Somalia waxa uuna dhawaan shaaciyay inuu yahay musharax u taagan qabashada madaxtinimada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com