Uganda oo qirtay in qaar ka mid ah askarteeda ay u gacan galeen Al-Shabaab + Tirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Militariga Uganda ayaa markii u horeysay qiray in qaar kamid ah askartooda ay u gacan galeen kooxda Al-Shabaab kadib weerarki ay Jimcihii dagaal-yahaanada kooxda ku qaadeen saldhiggooda militari ee magaalada Buulo Mareer.

Afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulaigye ayaa arrintaas u xaqiijiyay VOA, balse ma shaacin tirada askarta la qabsaday ee u gacan galay kooxda Al-Shabaab.

“Waxay noqoneysa mala-awaal,” ayuu yiri mar la weydiiyay tirada ciidanka la qabsaday. Sidoo kale waxa uu sheegay inay koox u direen Soomaaliya, oo soo baarta xaaladda, kadibna ay warbaahinta la wadaagi doonaan natiijada baaritaankaas.

Dhinaca kale, Sarkaal Soomaali oo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa VOA u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay qabsadeen ugu yaraan saddex askari, oo kamid ah kuwa Uganda, kadib weerarkii ay kooxda ku qaaday saldhigooda Buulo Mareer.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankooda hore u baahiyay in weerarkii Jimcaha ay ku dileen 137 ka tirsan ciidamada Uganda, hase yeeshe shalay tiradaasi wey kordhiyeen waxayna gaarsiiyeen in ka badan 200. Sheegashadan ma ahan mid si madax-banaan loo xaqiijiyay.

Saldhiga Buulo Mareer ee ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda ayaa waxa uu afhayeenka sheegay in xilliga weerarka uu dhacayay ay ku sugnaayeen hal urur oo dhan 221 askari, islamarkaana ay Al-Shabaab buun-buunineyso tirada dhimashada.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo weerarkaasi ka hadlay ayaa sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, wuxuuna qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda ee magaalada Buulo-Mareer.

Museveni ayaa soo hadal qaaday sida lagu jebiyay ciidamadiisa, wuxuuna sheegay in ay argagaxeen, taasina ay ka faa’iideysteen xubnaha Al-Shabaab, ee weerarka ku soo qaaday saldhiga Buulo Mareer.

“Qaar kamid ah askartii halkaas sugneyd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay, argagax ayeyna ku dhaceen, taas oo keentay inay is habeeyaan, Al-Shabaab-na ay ka faa’iideysteen. Howl-galada Soomaaliya iyo masraxada kale, waa howl-gallo dagaal ee maaha howlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka QM,” ayuu yiri.