Xasan Sheekh oo fasiraad cajiib ah ka bixiyay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fasiraad ka bixiyay heshiiskii lagu gaaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee kusoo gaba-gaboobay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in heshiiskii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga iyo heshiisyadii siyaasadeed ee horeeyay ay yihiin tallaabadii koowaad ee loo qaaday dhanka safar kun KM ah, taasi oo ka dhigan in heshiisyadan ay shaqo badan u dhiman tahay.

“Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed ka meyro wel-welka, wa-lbahaarka iyo cabsida laga dhex tusiyay heshiisyada siyaasadeed ee Golaha Wadatashiga Qaranku gaaray. Waxaan rabaa inaan Shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo in heshiisyadaani yihiin TALLABTII KOWWAAD EE LOO QAADAY DHANKA SAFAR KUN KM AH,” ayuu yiri madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka JFS.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu caddeeyay in heshiisyadan ay u dhiman tahay tallada shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dowliga ah ee metela shacabka, kuwaasi oo ugu horreeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Ma jirto cid dadka Soomaaliyeed ku xukumi karta xoog iyo dirqin. Ujeeddada go’aannada Goluhu gaaray ayaa ah in tallada siyaasadeed ee dalka dib loogu celiyo Shacabka Soomaaliyeed.”

“Sidaa daraaddeed, waxaan rabaa inaan kula dardaarmo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in HAYAANKA LOOGA GUURAYO FADHIIDNIMADA SIYAASADEED ee DHISMAHA DOWLAD QARAN aan laga raadin dano siyaasadeed, balse lagu eego dareen u adeegaya dadaalkeena wadajirka ah ee an dib ugu yegleelayno dhismaha dowlad qaran ee si dhab ah u hanaqaadda.”

Madaxweynaha ayaa waxa uu ka codsaday Baarlamaanka in inta uu ku gudajiro kal-fadhigiisa 3-aad siiyo mudnaanta ugu sarraysa, iskuna howlo dhameystirka dib-u-eegista Dastuurka, iyaga oo ku saleynaya heshiisyada siyaasadeed ee uu gaaray Golaha Wadatashiga Qaranka.

“Si fursad loo siiyo muwaadin kasta oo doonaya inuu taladiisa ku kordhiyo dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka iyo sidoo kale hortabin siinta sharciyada kale ee muhiimka u ah xoojinta qeybaha kala duwan ee horumarinta dowlad dhisidda sida sharciga XAFIISKA HANTI-DHOWRAHA GUUD EE DOWLADDA.”

Heshiiska cusub ee lagu gaaray shirkii u dambeeyay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxa uu wajahaya mucaaradada xooggan, ayada oo madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiin miisaan culus leh ku tilmaameen mid baal-marsan shuruucda dalka u yaalla iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed hore ugu heshiiyeen.

Si kastaba, Golaha ayaa heshiiskan cusub ayaa waxaa isbeddel weyn loogu sameeyay hanaanka doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, wuxuuna dhigaya in dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya

Sida ku cad heshiiska, hannaanka doorashooyinka dalka wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda isu-dheellitiran ee liiska xiran (Proportional Representation – Closed List).