Uhurro Kenyatta oo weerar ku qaaday garsooreyaasha maxkamadda sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo dib u doorashadiisa ay waxba kama jiraan ka soo qaaday maxkamadda saree ee Kenya ayaa mar uu ka hadlayay suuqa Burma ee magaalada Nairobi waxaa uu guddomiyaha maxkmadda sare, David Maraga iyo garsooreyaasha maxkamad ku tilmaamay kuwa ”burcad ah”.

Uhuru ayaa markii lagu dhawaaqay go’aanka maxkamadda sheegay in uusan ku qanacsaneyn go’aanka maxkamadda, balse uu ixtiraamayo, waxaana uu ku baaqay in nabadda laga shaqeeyo. Uhuru Kenyatta ayaa u muuqday qof ka careysan go’aanka maxkamadda sare, waxaana ku xigeenkiisa Willima Ruto uu sidoo kale sheegay in afar qof oo uu ula jeedo garsooreyaashii xukmiyay go’aanka aysan bedeli karin go’aanka maalyiin shacab ah. Ruto ayaa intaa ku daray in markale ay diyaar u yihiin doorasho.

Sidoo kale Kipchumba Murkomen oo ah mudane katirsan aqalka sare ee Kenya oo isla goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in haddi mucaaradka NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ay dalbadaan in la kala diro guddiga doorashada, ay iyaguna meesha ka saari doonaan garsooreyaasha maxkmadda.

Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarraysa Kenya David Maraga ayaa sheegay in ay ogaadeen in wax isdabomarinno ay hareyeen doorashada, wuxuuna amray in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho xalaal ah.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta uu ku guulaystay doorashada, isaga oo ka horreeyay Raila Odinga 1.4 milyan oo cod.

Laakiin mucaaradka ayaa sheegay in la jabsaday hannaankii combiyutarada guddiga doorashada laguna shubtay natiijada.

Go’aankan ayaa ah taariikh cusub oo ay Kenya hoosta ka xariiqday ka dib markii ay noqotay dalkii u horreeyay ee Afrika ku yaalla ee waxba kama jiraan ka soo qaada doorasho madaxweyne.Muxuu Uhuru Kenyatta ka yiri garsooreyaasha maxkamdda sare?

ISHA BBC

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com