Guddoomiyayaal xilalkooda ku weyn doona la safashada Cali Cabdullaahi Cosoble

Beledweyne (Caasimada Online) – Gudoomiyaha baarlamaanka Maamulka HirShabeelle Cismaan Bare Maxamed, ayaa ka digay in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo ku-xigeenadiisa ay qeyb ka noqdaan ololaha uu magaalada Beledweyne ka wado Hogaamiyihii maamulka ee xilka laga qaaday Cosoble.

Cismaan Bare Maxamed, waxa uu sheegay in xil ka qaadis lagu sameyn doono Guddoomiyihii fowdada ku garabsiiya Cosoble oo iminka ku sugan magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha baarlamaanka waxa uu cadeeyay in dhaqdhaqaaqyada Cosoble uu kawado magaalada Beledweyne aysan saameyn ku yeelan doonin maamulka, balse ay xilalka ku weyn doonaan mas’uuliyiinta maamulka ugu magacaaban Gobolka.

Guddoomiyaha waxa uu uga digay mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan inay qaataan amarka Cali Cabdullaahi Cosoble, isagoo mas’uulka amarkaasi qaata sheegay in lala xisaabtami doono xilkana laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in wax kama jiraan uu yahay hadalada ka soo yeeray Cosoble ee ahaa in Xildhibaanada HirShabeelle ay ku afduuban yihiin magaalada Jowhar, isla markaana xoog lagu heesto.

Haddalka Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa kusoo beegmaaya xili Hogaamiyihii hore ee maamulka uu magaalada Beledweyne ka bilaabay ololo ka dhan ah maamulka HirShabelle.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com