Hague (Caasimada Online) – Garsoorayaaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa diiday codsigii ugu dambeeyay ee Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ku doonayay in la joojiyo dacwadda ku aaddan dambiyada lidka ku ah aadaminimada, sidaana waxa sheegay Daily Nation-ka Kenya.
Garsoorayaasha maxkamadda ICC-da Kuniko Ozaki iyo Robert Fremr ayaa go’aamiyay in qareennada Kenyatta ku fashileen in ay la yimaadaan caddaymo waafi ah oo kaabaya dooddoada ku aaddan in dacawadda ka dhanka ah Kenyatta ay aad u liidato ayanna sababeeyn karin in si rasmi ah xaadir loogu ahaado fadhiyada.
Waxa ay sidoo kale uga digeen qareennada in ay ka waantoobaan soo gudbiyaan codsiyo halis galinaya ammaanka markhaatiyadooda ee ay sida caddaanka ah magacyadooda ugu sheegayaan ka hor maxkamadda 5-ta February.
Garsoore Chile Eboe-Osuji ayaa fadhi gooni u xukumay, una tilmaamay in codsiyadu yihiin isku dayo farsmooyin sharci ah loo isticmaalayo sifo la isugu dayo in “la joojiyo” maxkamadda.
Garsoorayaasha ayaa isku raacay in doodaha ay soo gudbiyeen kooxda difaaca Kenyatta ee ah in xeer-ilaalintu ku lug leedahay ku takri-fal lagu sameeyay hannaanka maxkamaddu u dhaco ay ku fiicnaan laheeyd in arrinkaa looga hadlo maxkamadda dhexdeeda.
“Maxkamadda ayaa u aragta in qaddiyadaha ay soo gudbiyeen kooxda difaacu ayan noqon kuwo ka madax-bannaan ama go’aan looga gaaro ka hor fadhiyada laakiin ay uga munaasabsan yihiin la hor keeno muddada ay socoto maxkamaddu,” ayay yiraahdeen Ozaki iyo Fremr.
ICC-da ayaa dhawaan ku eedeeysay in Kenya ay qarinayso xog “si wayn muhiim ugu ah” maxkamadda Kenyatta.

