Ujeedka Kenya ka leedahay hanjabaadaha ka dhanka ah Somalia oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada online) – Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo safiiradii hore ee Soomaaliya ayaa shaaciyay ujeedada dowladda Kenya ay ka leedahay hadalada hanjabaadaha ah ee kasoo yeerayay maalmihii ugu dambeeyay.

Danjire hore C/raxmaan Nuur Diinaari oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso in dacwadda dhanka badda la joojiyo, maadaama ay ogaatay in looga guuleysan karo go’aanada ay maxkamadda ICJ gaareyso.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka doonayaan inay saaraan cadaadis adag, kadibna ay ku qasbaan inay ka laabato dacwadda dhanka badda ah si wadahadal loogu dhameeyo xaaladda.

“Waxay ka dhigan tahay in Kenya ay geed walbaa ay u fuleyso sidii Soomaaliya ay cadaadis u saari laheyd, taasi oo caalamka dhan og yahay, arintaana waxay ka dhigan tahay in Kenya mar labaad qalad ay ka galeyso Soomaaliya, sababtoo ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya waxay sheegtay inaysan ku qanacsaneyn jawaabtii Soomaaliya”

Sidoo kale Amb Diinaari ayaa sheegay in Kenya ay ogaatay in looga guuleysan rabo dacwadda dhanka badda ah, taasina ay qasbeyso inay arimahaani sameyso.

“Kenya waxay dooneysaa in dacwadda dhanka badda ay duugto, maadaama ay og tahay in looga guuleysanayo dacwadda marka waxay dooneysaa in wadahadal wax lagu dhameeyo, mana soconeyso”ayuu yiri Am Diinaari.

Kenya ayaa la sheegayaa in looga guuleystay hadalada dhanka diblumaasiyadda tan iyo waxii ka dambeeyay markii ay dib ugu yeeratay safiirkeedii kaga sugnaa magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@Live.com