Ujeedka safarka XASAN Sheekh ee Qaahira + Sawirro

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey xarunta daraasada istiraatiijiyadda iyo siyaasadda ee Al-Ahram.

Xasan Sheekh ayaa laba maalmood ku sugnaa magaalada Qaahir, halkaasi oo uu tegay kadib casuumad uu ka helay machadka Al-Ahram.

Hadal-jeedinta Xasan Sheekh ayaa ku saabsaneyd kaalinta Soomaaliya ee siyaasadda fog ee geeska Afrika, iyo sida ay Soomaaliya muhiim ugu tahay gobolka oo dhan, isaga oo isku xiray xasilloonida Soomaaliya iyo tan gobolka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay muhiim u tahay isku xirto wadamada gobolka, islamarkaana loo baahan yahay in laga wada-shaqeeyo xasiloonideeda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in is-dhexgalka iyo iskaashiga geeska Afrika aan la xaqiijin karin, iyada oo aan la helin iskaashi siman oo dhex mara dowladaha geeska

“Taariikhdu waxay na bareysaa sida aysan suurtagal u ahayn in aan helno xasilloonida gobolka innaga oo aan heynin xasilloonida Soomaaliya, sidoo kalena dhammaan fikradaha isdhexgelka iyo iskaashiga geeska Afrikana lama xaqiijin karo iyada oo aan la helin iskaashi siman oo dhex mara dowladaha geeska,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh oo ku dheeraaday muhiimmadda ay xasilloonida Soomaaliya u leedahay waddamada geeska ayaa xusay muhiimmadda ay leedahay mideynta dadaallada looga adkaanayo argagixisada, oo aan loo arkin cadow ay Soomaaliya leedahay oo kaliya. 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa booqashadan ku wehlinayo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Mahad Salaad iyo Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo labaduba ka mid ah saaxibadiisa siyaasadeed.

Booqshada Xasan ee Qaahira oo laba maalmood ku koobnayd ayaa la filayaa inuu galabta soo gabo gabeeyo isaga oo ku siijeeda dalka Tanzaniya oo ay qoyskiisu deggan yihiin.