Weerar dad lagu gowracay oo ka dhacay France kadib gefkii loo gaystay Nebiga NNKH

Paris (Caasimada Online) – Magaalada Nice ee koonfurta dalka Faransiiska ayaa waxa goordhoweyd ka dhacay weerar uu fuliyay nin muslim ah oo ku hubeysnaa mindi, kaasi oo sababay dil iyo dhaawac.

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya weerarkaasi, ayaa sheegaya in lagu dilay ugu yaraan saddex qof, halka kuwo kalena lagu dhaawacay, sida ay wakaalada wararka AFP kasoo xigatay laamaha ammaanka.

Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka Kaniisadda loo yaqaano “Our Lady” oo ku taal bartamaha magaalada Nice.

Weerarkan oo lagu tilmaamay mid argagixiso ayaa waxa la gowracay saddexda qof midkood, halka mid kamid ah uu u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray weerarkaasi.

Christian Estrosi oo ah duqa magaalada Nice oo ka warbixiyey weerarkaasi ayaa carabka ku adkeeyay in xogtii ugu horreysay ay muujisay in weerarka uu ahaa mid argagixiso, isla markaana gacanta lagu soo dhigay shaqsigii ka dambeeyay.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa duqa magaalada ayaa iyaduna sheegtay in eedaysanaha loo qabtay falkaas uu ku celcelinayay “Allahu Akbar”, xitaa ka dib markii ay soo xireen booliiska, isaga oo dhaawac ah.

Xaalada guud ee magaalada Nice ayaa xiligan degan, kadib markii ay howl-galo amniga lagu sugayo ay ka bilaabeen ciidamada amaanku, iyada oo xeer ilaalintuna ku dhawaaqday furitaanka baaritaankaasi.

Faransiiska ayaa wajahay xaalad cakiran, kadib markii uu hogaamiyaha u sareeya dalkaasi Emmanuel Macron uu ku dhawaaqay hadalo uu ku aflagaadeynayo diinta suuban iyo nebigeena NNKH, midaasi oo si weyn uga careysiisay umadda islaamka.

Shacabka Faransiiska oo muslimiin badan ay ku jiraan ayaa sidoo kale ka carrooday hadalka Macron, waxaana laga cabsi qabaa weeraro kale inay ka dhacaan.