Ujeedka socdaalka Jeneral Odowaa ee Gedo xilli ay Jubaland qabto cabsi badan

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuussuf Raage oo mudooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaas.

Taliyaha ayaa ka soo baxay degmada Doolow, isagoo soo maray degmooyinka Beled-Xaawo iyo Luuq oo ka wada tirsan gobolka Gedo, waxuuna haatan ku suganyahay Garbahaarey.

Socdaalka uu Taliyuhu ku tegay magaaladaas waxaa ku wehliyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo ee hoos taga dowladda federaalka, sida guddoomiyaha gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Mucalimow, iyo saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Gedo ayaa socdaalkaas ku macneeyay mid lagu xoojinayo dhismaha ciidamada milateriga Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya iyo sidoo kale dhiira gelinta ciidamada ay dowladu geysay gobolkaas.

Waxay sheegeen in socdaalkan uusan xiriir la lahayn arrimo siyaasadeed iyo xiisadda gobolka.

Maamulka Jubbaland oo horay uga hadlay socdaalka Taliyaha milateriga uu ku tegay gobolka Gedo iyo ciidamada ay dowladda federaaku ku daabushay ayaa tallaabooyinkaas ku tilmaamay duullaan ay gobolkaas ku soo qaaday dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe waxaa sii kordhayey walaaca ay qabaan shacabka ku nool degmooyinka gobalka Gedo, gaar ahaan degmada Ceel-waaq kadib markii ay cirka isku sii shareertay xiisadda u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland.

Maalmihii lasoo dhaafay dowladda federaalka ayaa ciidamo hor leh geysay degmada Doolow iyo duleedka degmada Ceel-waaq oo ah halka degmo ee gobolka Gedo uga jirta gacanta Jubbaland.

Ciidamadaas ayaa la sheegay inay dowladdu ku qabsa rabto degmada Ceel-waaq oo ay Jubbaland maamusho, waaxana dadka ku nool la soo deristay cabsi xoog leh.

Xildhibaan Bashiir Faaqid oo ka tirsan baarlamaanka Jubbaland, isla markaana laga soo doortay gobolka Gedo oo maalin ka hor ka hadlay arrintan ayaa yiri, “DF waxay soo daad gureysay ciidamo kale halkii ay aheyd in kuwa jooga ay qaado wixii ay ka faa’ido annaga yeysan waxba naga siinin.”

Xildhibaan Bashiir oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Annaga waan diyaarsanahay cidna uma aaba yeeleyno waxaan diyaar u nahay inaa difaacno gobalka Gedo wixii dagaal ama dhibaato ahna mas’uuliyaddeeda Farmaajo ayaa qaadaya.”

Dhinaca kale, xiisadda ka taagan gobalka Gedo waxaa laga cabsi qabaa in ay sabab u noqoto bur bur ku yimaada heshiiskii doorashada Soomaaliya ee dhamaadka bishii la soo dhaafay lagu gaaray Villa Somalia.