Ujeedka wafdiga ka socda DF ee gaaray Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan maamulka iyo guddoomiyaha gobolka Galgaduud iyo Duqa magaalada Dhuusamareeb, Macalin Cabdiraxmaan Geeda-qaroow.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Socdaalka Wasiirka ayaa la xiriira u kuur-galida mashruuca Baxnaano ee Taakuleynta dadka Abaartu saameysay iyo ogaanshaha heerka nolosha ee barakacayaasha ku sugan gobolka.

Wasiirka ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay caasimada Galmudug kulan la qaadan doona madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarkaan ayaa imanaya xili si weyn looga deyrinayo xaalada abaareed ee dalka oo mareysa meel halis ah iyo qaabka loo gaarsiiyo mucaawinooyinka dadkii ay saameysay abaarta.