KENYA malaayiin dollar ku heshay dagaalka Shabaab

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda UK oo Kenya ka gacansiisa xoojinta dagaalka kooxda Al-Shabaab ayaa haatan ku taageertay lacag malaayiin dollar ah, si loo laba jibaaro howlgallada ka dhanka ah kooxdaasi, isla-markaana looga hortago weerarada ay fuliso.

Lacagtaan ay UK siisay dowladda Kenya ayaa lagu hirgeliyey xarun weyn oo ay ku hawlgalayaan ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee loo yaqaano ATPU.

Xaruntaan oo si aad ah loo qalabeeyey ayaa laga furay gobbolka Xeebta Mombasa, iyada oo ay noqoneyso tan ugu weyn ee ay ku howlgalaan ciidanka la dagaalama Argagixisada.

Sidoo kale waxa xarunta ay leedahay goobo loogu talagalay in lagu sii hayo xubnaha lasoo qabto ee kooxda Al-Shabaab, xafiisyo iyo qolal kale oo loogu talagalay qaybta dumarka.

Gobbolka Xeebta ee Kenya ayaa ka mid ah meelaha  kooxda Al-Shaaab ay kasoo qaadaan weerarada ay la beegsadaan ciidamada dowladda Kenya.

Arrintaan ayaa looga gol-leeyahay sidii looga hortagi lahaa weerarada kooxda ee inta badan ka dhaca deegaanada u dhow xadka Soomaaliya, si loo yareeyo khasaara ka dhasha.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ka qayb-qaata dagaalka Al-Shabaab, waxayna taageero uga heshaa dowlado waa weyn, sida Ingiriiska iyo Mareykanka oo saldhig ku leh dalkaasi.