26.8 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

UK oo niyad-jab ka muujisay in dowladda Soomaaliya iyo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Dowladda UK ayaa walaac iyo niyad-jab xooggan ka muujisay guul-darradii ku timid wadahadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo ku saabsanaa hannaanka doorashooyinka dalka.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Safaaradda UK ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay tahay “arrin laga xumaado” in dhinacyada is-haya ay ku guuldareystaan inay gaaraan is-fahan siyaasadeed, iyadoo xilliga kala-guurka ah uu sii gabaabsi noqonayo.

“Waa wax laga xumaado in aan wali la gaarin is-fahan buuxa,” ayaa lagu yiri qeyb ka mid ah war-saxaafadeedka, iyadoo dowladda Ingiriisku ay ugu baaqday labada dhinacba inay muujiyaan tanaasul iyo dabacsanaan, si loo badbaadiyo geeddi-socodka dowladnimada.

UK oo kaashanaysa saaxiibada kale ee beesha caalamka ayaa ballan-qaaday in ay sii wadi doonaan dadaallada lagu dhex-dhexaadinayo dhinacyada, si loo xaliyo qodobada la isku mari la’yahay.

Qodobada la isku hayo

Burburka wadahadalladan ayaa waxaa markii hore xaqiijiyay Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka, kuwaas oo shaaciyay in kulamadii heerka sare ahaa ay kusoo dhamaadeen natiijo la’aan. Golaha ayaa ka digay in is-fahan waagan uu dalka gelin karo hubanti la’aan siyaasadeed, xilli ay soo dhawaanayaan muddooyinka dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda.

Xudunta khilaafka ayaa salka ku haysa hannaanka doorashada ee dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Mucaaradka ayaa u ololeynaya in saddexdan maamul lagu dabaqo nidaam doorasho oo dadban, la mid ah kii horey looga hirgeliyay Puntland iyo Jubbaland, halkaas oo ergooyin ay soo xuleen hoggaanka.

Mucaaradku waxay ku doodayaan in tallaabadani ay tahay midda ugu habboon ee lagu xaqiijin karo metelaad ballaaran iyo kala-guur nabdoon.

Hase yeeshee, Madaxweynaha iyo xubnaha dowladda ayaa la sheegay inay gabi ahaanba diideen in arrintaas miiska lasoo saaro, iyagoo ku dooday in maamulka doorashada dowlad-goboleedyadaas ay tahay arrin u taalla hoggaankooda gaarka ah, ayna tahay mid aan gorgortan laga geli karin heer federaal.

Khilaafka ayaa sii xoogeystay kadib markii Golaha Mustaqbalka ay soo jeediyeen eedeeymo culus oo la xiriira in dowladda ay waddo isbeddel dastuuri ah oo aan loo dhanyeyn.

Sidoo kale, mucaaradka ayaa sheegay in in ka badan 50 xildhibaan oo aragtidooda taabacsan laga hor-istaagay inay ka qayb-galaan fadhiyada Baarlamaanka intii uu socday khilaafkan.

Waxaa intaas dheer eedeeymo ku saabsan caga-jugleyn iyo cadaadis siyaasadeed oo lagu hayo xubnaha mucaaradka, inkastoo dowladda federaalku aysan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymahan.

Diblomaasiyiinta shisheeye ayaa ka digaya in haddii aan degdeg loo soo celin wada-hadalka, ay xaaladdu faraha ka bixi karto, taas oo halis gelinaysa jadwalka dastuuriga ah ee dalka.

Beesha Caalamka ayaa hadda wadda dadaallo ay ku cadaadinayso labada dhinac in ay miiska wadahadalka kusoo laabtaan si xal looga gaaro is-mari-waagan taagan.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News