UK oo saldhig ciidan oo weyn ka sameysatay Soomaaliya

Baydhabo (Caasimadda Online) – Dowladda UK ayaa shalay xarigga ka jartay saldhig lagu tababarayo Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Safaaradda UK ee Muqdisho ayaa shaacisay in shalay oo Sabti ahayd Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay laga furay Saldhig Ciidanka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya lagu tababaro.

Safaaradda  Dowladda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa sheegtay in ujeedada saldhiggaasi yahay sidii dowladda Federaalka ah looga caawin lahaa in amniga dalka ay kala wareegto AMISOM islamarkaana Ciidamadii ay kula wareegi lahayd qeyb ka mid ah lagu tababaro saldhigga.

Saldhiggan waxa uu ku dhex yaalaa gudaha gareoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, kaasoo garoon Milatari ah xiligii dowladdii dhexe ay ka jirtay dalka bur burkii ka hor.

Sababta ay u hirgaliyeen Saldhiggan waxa ay Safaarada ku sheegtay iney qeyb ka tahay qorshaha la doonayo in dalka looga saaro Ciidamada AMISOM, waxaana Saldhiggan lagu tababari doonaa qeyb kamid ah askarta la doonayo iney amniga dalka la wareegto.

Dowladda Ingiriiska waxa ay sheegtay in Saldhiggeedan cusub uu u dhameystiran yahay qalabkiisii, kaasoo si casri ah loo dhisay, waxaana durba la geeyay Saraakiil tababar siisa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Waxa uu noqonayaa Saldhiggii 4-aad ee dalalka shisheeye ay ka dhistaan wadanka, waxaana Saldhiggii u horeeyay uu Mareykanka ka sameystay deegaanka Bali-Doogle ee gobolka Sh?Hoose, waxaa ku xigay midka Turkiga ee ku yaala deegaanka Jazeera ee duleedka Muqdisho iyo kan Imaaraatka Carabta uu ka sameystay Magaalada Berbera ee Gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com