UK oo xayiraad socdaal ku soo rogtay muwaadiniinta ka imanaya Somalia + Sababta

London (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa ku dhowaaqday inay dalkeeda ka xanibtay inay soo galaan dadka ka imanaya Soomaaliya, sababo la xiriira faafitaanka cudurka Coronavirus.

Qoraal kasoo baxay dowladda UK ayaa lagu sheegay in Soomaaliya, Qatar iyo Oman lagu daray liiska loo yaqaan “liiska gaduudan”, islamarkaana laga billaabo maalinta Jimcaha aysan dadka ka imanaya saddexdan dal soo geli karin dalka UK.

Muwaadiniinta haysta baasaboorka UK ama Ireland ee dalalkan tegay ayaa loo ogol yahay inay soo galaan UK, hase yeeshee waxaa qasab ku ah inay muddo toban maalmood ah isku karantiilaan hotel.

 “Laga billaabo 4:00 am, 19-ka March 2021, dadka kasoo baxay Soomaaliya, Qatar iyo Oman, ama soo maray dalalkan 10-kii maalmood ee tegay, looma ogolaan doono inay soo galaan UK, kaliya muwaadiniinta Britain iyo Ireland ama dadka degan halkan ayaa loo ogol yahay inay soo galaan, balse waa inay is karantiilaan 10 maalmood,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda UK. 

“Tallaabadan waxay gacan ka gaysan doontaa in la yareeyo halista ah in nooca cusub ee Coronavirus ee markii ugu horreysay kasoo shaac baxay dalalka South Africa iyo Brazil uu soo galo UK,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Soomaaliya ayaa waxaa toddobaadyadii dhowaa aad uga sii sare kacayey kiisaska COVID-19, ayada oo dhimashaduna ay aad u korortay. Waxaa jira tuhun ah in nooca Coronavirus ee South Africa uu dalka soo galay, balse dowladda federaalka weli taas ma xaqiijin.