UK oo war kasoo saartay dilalka ka socda Laascaanod

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha dowladda UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Kate Foster ayaa ka hadashay dhibaatada haatan ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka dhaceen rabshado xoogan.

Kate Foster ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka uga falcelisay xiisadda magaaladaas oo gashay maalintii shanaad, walow maanta deganaasho la dareemayo.

Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa sidoo kale walaac ka muujisay rabshadahaas, gaar ahaan dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Sidoo kale waxa ay ku baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wadahadal iyo deganaan, si looga hortago khasaare markale ka dhaca halkaasi.

“Waxa aan ka walaacsanahay dhacdooyinkii u dambeeyay ka dhacay Laacaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca Dadka rayidka ah. waxa aan dhinacyada is haya ugu baaqeynaa in ay xalka abaaraan kana fogaadaan wax weliba isku dhac kale keeni kara, arrimaha dhexdoodana u xaliyaan si nabad ah” ayey tiri Kate Foster oo ah danjiraha UK.

Arrinta Laascaanood ayaa cirka isku sii shareertay, waxaana korortay dhimashada ka dhalatay dibad-baxyadii magaaladaas, kadib rasaas ay adeegsadeen ciidanka Somaliland.

Si kastaba, xaaladda weli ah mid cakiran, waxaana rabshada haatan ka socdo Laascaanood ay ka dhasheen dilalka qorsheysan ee inta badan ka dhaca gudaha magaaladaasi.