Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Dabagalka cunuqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxay ku sheegtay in Xasan Kheyre uusan laheyn dambiyadii horey loogu eedeeyay.
Kooxda ayaa dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay u dirtay warqad ay ku cadeynayaan in Xasan Kheyre oo ah agaasimaha shirkada Som Oil and Gas uusan xiriir la laheyn kooxaha mayalka adag.
Warqadan oo la diray afar maalin ka hor ayaa lagu sheegay in Xassan uusan laheyn eedeymaha horey loogu jeediyay kadib markii baaritaan lagu sameeyay.
Hayada ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay ku wargelinayaan in Xasan Kheyre uu ka bari yahay ama uusan shaqo ku laheyn kooxaha mayalka Adag.
Dowlada Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in baaritaan la sameeyay lagu waayay eedeymo loo jeediyay shaqaalaha wasaarada Patroolka Soomaaliya, oo xiligaasi hayada ay eedeyn u jeedisay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]