UNHCR: Soomaalida ayagaa doonaya in ay dib u soo laabtaan dalkooda

Nairobi (Caasimada Online) Warbixin ay soo saartay hay’adda QM u qaabilsan qaxootiga  UNHCR ayaa lagu  sheegay in jiraan qaxootiga Soomaali ah oo doonaya in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda.

UNHCR ayaa sheegtay in dadkan ay ku nool yihiin dalka Kenya , kuwaasoo muujiyay sida ay u rabaan inay dib ugu soo noqdaan Somaaliya.

Hey’adda ayaa sidoo kale sheegtay  in 18 qoys oo qaxooti  Soomaali ah oo ku nool xerada Ifo 2 ay iska diin waangaliyeen xafiiska UNHCR  si ay ugu xaqiijiyaan hay’adda inay diyaar u yihiin celinta kaararkii ay raashinka ku qaadan jireen, isla markaana ay rabaan inay dib ugu soo noqdaan dalkooda.

UNHCR  ayaa soo dhoweysay tallaabadan cusub oo ay qaadeen qaar ka mid ah qaxootiga Soomaalida , oo qaab iskaa ah ku doonaya inay dalkoodii ugu noqdaan, kaddib markii ammaankiisa uu wanaagsanaaday.

Waxaa arrintan lagu tilmaamay amniga darrada sii kordheysa ee ka jirta xeryaha Dhadhaab oo ah tan kuwa ugu ballaaran dunidda.

Soomaali badan oo ku noolaa magaalooyinka dalka Kenya ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii xagga ammaanka uu ka soo hagaagay.

Kenya ayaa ku amartay Soomaalida ku nool magaalooyinka in ay iska xaadiriyaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab kuwaasoo buux dhaafay isla markaana  ah kuwa go’doon ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi