Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia oo arrimo dhowr ah ka hadashay

Brussels (Caasimada Online) Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ka mid ah wafdi madaxweynaha Soomaaliya uu hoggaaminaayo oo ku sugan Brussels ayaa sheegtay arrimo dhowr ah.

Marwo Fowsiyoo wareysi siiyay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua, ayaa ugu horreyn waxa ay ka hadashay xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, waxana ay sheegtay in uu wanaagsan.

Wasiiradda ayaa sidoo kale daaha ka qaatay in dowladda Shiinaha ay ka hirgelisay Soomaaliya dhowr mashruuc oo ay ka mid yihiin: dhismaha isbitaallo, garoonka kubadda cagta ee Mogadishu Stadium iyo weliba waddada isku xirta gobollada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee Soomaaliya.

“Shiinuhu wuxuu ahaa saaxiibka wanaagsan ee Soomaaliya tan iyo sannadkii 1960-kii. Markii Shiinaha la godoomiyay, waan caawinnay Shiinaha , oo dedaal ayaan u galnay siddii ay ugu biiri lahaayeen QM,” ayay tiri Marwo Fowsiyo.

Wasiirradda ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda Shiinaha ay hadda diyaar u tahay siddii markale u caawin lahayd dowladda Soomaaliya. “Soomaaliya waxa ay ka gudbaysaa colaadii la hartay muddada ka badan 20-ka sano, waxayna u socotaa dib u dhiska dalka iyo dhinaca horumarka,” ayay tiri wasiirradda.

Marwo Fowsiyo ayaa sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay ku shaqeynayso lix tiir oo waaweyn, taasoo uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa ay tiri lixdaas waxa ay xoogga saari doonaan sugidda ammaanka, cadaaladda iyo weliba maareynta dhaqaalaha dalka.

Wasiiradda ayaa sheegtay in amniga ka dhashay dalka bil kasta ay dalka yimaadaan ilaa 1,000 qof kuwaasoo badan kood deegan ahaan ka sameesta dalka.

Ugu dambeyn, wasiiraddu waxay sheegtay in ciidamada AMISOM ay door wanaagsan ka qaateen sidii deggenaashaha dalka loosoo celin lahaa, mar uuna ayayna dalka ka baxayaan. Iyadoo xustay in bixitaankoodu uu ku xiran yahay marka la xoojiyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda dooneysa in ay iskaashi fiican la yeelato waddamada caalamka gaar ahaan kuwa dhaqaalaha badan leh.

Caasimada Oline

Xafiiska Wararka Brussels