UNICEF oo XOG muhiim ah ka soo saartay Coronavirus

Muqdisho (Caasimada Online) – Caalamka waxaa si weyn wel-wel ugu haya Corona oo sababa cudurka Covic 19, si aad ah ayuuna ku sii fidayaa, sidaasi awgeed waxaa lagamamaarmaan ah in la barto sida looga hortago maadama uusan laheyn daawo.

Tallaabooyinkani waxa ay lagama maarmaan u yihiin qof walba, si uu uga hortago Viruska Corona (Covid-19).

Qormadan waxa iska leh Hay’adda UNICEF, sidaasi awgeed Xogtan ehelkaaga iyo asaxaabtaadaba la wadaag si aad uga xoreysid welwel aan loo baahneyn.

1. Coronuhu waa Virus waaweyn waxaana lagu qiyaasaa in uu leegyahay (400-500 micro), sidaas darteedna nooc walba oo maryaha afka lagu xidho ahi (mask) waa uu innagaga filanyahay inaan ka gaashaamano caabuqa.

2. Virus kan Coronuhu ma dhex sabbaynayo hawada, laakiin waxa uu ku dhagayaa walxaha. Sidaas darteedna, isu gudubku kuma dhacayo hawada.

3. Marka Virus ku gaadho oogada shay ka samaysan bir (metal) waxaa uu kusii dul noolaan karaa 12 Saacadood. Gacmahaaga oo aad si wacan u dhaqdo ayaana kaaga filan kahortaggiisa.

4. Marka uu gaadho oogada dharkana, viruska Coronuhu waxa uu kusii dul noolaan karaa 9 saacadood, sidaas darteedna dharka oo aad maydho ama cadceeda oo aad ku wadho mudo labo saacadood ah ayaa ku filan si aad u dishid Virus ka.

5. Virusku marka uu soo gaadho gacantaadana, keliya waxa uu kusii dul noolaanayaa 10 daqiiqo. Sidaad awgeed ku falaxalo Jeermis dile ay Alcohol ku jirto si aad isaga nadiifisid.

6. Marka heerkulku gaadho 26-27 °C, Viruska Coronuhu waa uu dhimanaya, kuma noolaan karo goobaha kulul. Waxa kale oo talo ah cabitaanka biyaha kulul (diirran) iyo isku dhigidda cadceeda si xanuunka aad uga hortagtid. Iska ilaalinta cunnooyinka qaboow sida Iskiriinku waa muhiim

7. Ku luqluqashada biyo diirran oo milix leh waxa ay dili doontaa Viruska ku jira dhuunta, taasoo kaa badbaadin doonta in uu sambabkaaga gaadho Virusku.

W/T Kamaal Hassan Adnan oo jooga Canada.