Amsterdam (Caasimada Online) – Waxaa shalay Magaalada Magaalada Amsterdam ee dalka Netherland ku shiray ururada Soomaalida ah ee ku middeysan dalladda “Isutagga Ururada Soomaalida ee Nederland” oo magaceeda loo soo gaabiyo FSAN.
Dalladda FSAN, Â oo ay ku middeysan yihiin in ka badan 45 ururo Soomaali ah oo ka dhisan Nederlands, waxaa la aasaasay 1994-tii, iyada oo Guddiga dalladda oo la doorto saddexdii sanno halmar ay ka shaqeeyaan isku xirka Jaaliyadaha Soomaalida & Dowladda Nederland & Sidoo kale wacyigelinta mushtamaca Soomaalida.
Kulankii shalay waxaa lagaga hadlayay qoddobo ay ka mid yihiin:-
1- Miisaaniyada ururka
2- Qiimeyn lagu sameynayay waxyaabihii ururka u qabsoomay muddada sannadka & barka ah ee ay shaqeynayeen guddiga cusub.
3- Eegista & ansixinta 2 urur oo ku soo biiray dalladda.
4- Balaarinta xubnaha guddiga oo markii hore ahaa 5 oo laga dhigay 7, iyo qoddobo kale.
Guddoomiyaha dalladda Maxamed Cabdullaahi [Askari], Guddoomiye ku-xigeenka C/qaadir Nuune, Xisaabiye Cabdiwahaab Yariisow iyo Maxamed Cusmaan [Guurre] ayaa xubnihii metalayay ururada si guud ugu faahfaahiyay qoddobadii laga hadlayay.
Ururada ayaa ansixiyay in la ballaariyo Guddiga, waxaanna ku soo biiray saddex xubnood oo kala ah: Cali Amiin, Raaxo Cabdishakuur Cilmi
HOOS KA DAAWO VIDEOW-GA KULANKA.