Daawo: Abaabul ka socda galbeedka Hiiraan iyo Gaaljecel iyo Udeejeen oo…

Jawiil (Caasimada Online) – Abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ayaa maalmahaan ka socda deegaanada dhaca galbeedka gobolka Hiiraan, kaas oo beelaha Gaaljecel iyo Udeejeen ay wado.

Magaalooyinka Beledweyne iyo Jawiil ee gobolka Hiiraan waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu soo bandhigay ciidankii ugu badnaa oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo hubka u qaatay inay la dagaalamaan Khawaarijta Al-Shabaab.

Ciidankaan is baabulay oo wata gadiid dagaal ayaa lagu wareejiyey taliska ciidanka xoogga dalka oo ay ka barbar dagaalami doonaa maalmaha soo socda oo howlgal culus uu ka bilaaba doono galbeedka Hiiraan.

Beelaha Gaaljecel iyo Udeejeen ayaa ka mid ah beelaha dhulka ugu badan ay Shabaab ka heystaan, waxaana dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay deegaanada beelahaas ka socday abaabul dagaal kii ugu cuslaa oo ay sameeyaan.

Beelahaas oo dega dhul balaaran ayaa dhamaan deegaanada ay ka degaan gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Shabeelooyinka waxaa maamusha Khawaarijta Al-Shabaab, xilli beesha la degta ee Xawaadle ay dhamaan dhulkeeda bariga Hiiraan ka xoreysatay kooxda.

Is xoreynta Xawaadle ayaa xujo ku noqotay beelaha kale ee dhulkooda Shabaab heysto, waxayna hadda beelahaasi ku dhaqaaqeen sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen kooxda, ciidamadii iyo hubkii ugu badnaa ayey maalmahaan isku soo uruuriyeen saraakiisha iyo siyaasiyiinta Gaaljecel iyo Udeejeen.

Siyaasiyiinta beesha Udeejeen ayaa maanta ciidankii lasoo abaabulay oo la isugu keenay deegaanka Jawiil waxay ku wareejiyeen taliyaha guutada 5-aad ee qeybta 27-aad, si maleeshiyaadkaan ay ciidanka qaranka uga barbar dagaalamaan.

Saraakiishii iyo masuuliyiintii beesha Gaaljecel ee u hadlay ciidankii dagaalka u diyaarsanaa ayaa wacad ku maray inay dhulkooda ka xoreysa doonaan kooxda, si lamid ah inta badan beelaha kale ee dega HirShabeelle iyo Galmudug.

Abaabul kale oo beeshaani ay wado ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyey ka socday aagga degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow uu joogo mudo dhowr bilood ah, Jeesow oo hadlay ayaa wacad ku mara inuusan soo laaba doonin, isagoo Shabaab ka xoreyn dhulka beeshiisu ay ka degto gobolkaas.

Hoos ka daawo