US oo ku faraxday arrin uu sameeyay A/Madoobe

Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa ka hadashay go’aankii madaxweyne Axmed Madoobe uu ku kordhiyay xubnaha baarlamaanka maamulka Jubba, taasi oo lagu qancinayo beelaha kasoo horjeeday qaab dhismeedka baarlamaanka Jubba.

War qoraal ah oo kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo si kumeel gaar ah kaga shaqeysa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu xaqiijiyay in Mareykanka  uu soo dhaweynayo balanqaadka iyo kordhinta baarlamaanka maamulka Jubba, si loo qanciyo beelaha daga Gedo iyo Jubbooyinka.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya kana shaqeysa Nairobi ayaa lagu soo dhaweeyay caleemo saarka madaxweynaha maamulka Jubba oo shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Mareykanka qoraalka kasoo baxay ayaa lagu xusay in Maamulka Obama uu ka shaqeynayo sidii si wadajir ah loogu dhameyn lahaa khilaafka ka dhex taagan dowlada Soomaaliya, iyadoo lagu soo dhaweeyay kulamadii kala duwanaa ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

“Waxaan soo dhaweynaynaa dadaalka ka socdo Kismaayo, waxaana wax wanaagsan ah in 10 xildhibaan lagu kordhiyo baarlamaanka Jubba si loo qanciyo beelaha kasoo jeedo Gedo iyo labada Jubba, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii doorasho rasmi ah kaga dhici laheyd Soomaaliya sanadka 2016”ayaa lagu yiri qoraalka safaarada Mareykanka ee Soomaaliya.

Dhanka kale Mareykanka ayaa sheegay inuu si dhow ula shaqeyn doono dowlada Soomaaliya iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed si loo gaaro nabad ka dhalata dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com