Taiwan oo shan magaalo xeebeed oo Soomaaliya ku yaalla ku bixineysa 166,000 Dollar + Sababta.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Taiwan ayaa hishiis kordhinaya amaanka xeebaha Soomaaliya la gashay shirkad saldhigeeda yahay Mareykanka oo la dagaalanta kooxaha burcad badeeda Soomaaliya qeybna ka ah howlgalka midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida.

Hishiiska oo lagu kala saxiixday magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka waxaa dowlada Taiwan ku deeqday 166,000 doolar si loogu sameeyo xarumo isgaarsiin oo ka qeyb qaadanaya amaanka xeebaha Soomaaliya.

Dowlada Taiwan ayaa sheegtay in shan magaalo xeebeed oo Soomaaliya ku yaala ka hergelin doonta xarumo isgaarsiin iyo badbaado si ay qeyb kaga qaataan amaanka xeebaha Soomaaliya.

Goobaha laga hergelinayo adeegyada Isgaarsiinka ayaa waxaa lagu kala sheegay magaalooyinka Berbera, Boosaaso, Hobyo, Kismaayo iyo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wakiilka Taiwan ee Midowga Yurub Tung Kyo-yu oo hishiiska u saxiixay dowlada Taiwan ayaa sheegay in dadaalkaasi uu ka taageeri doono maraakiibta iney si amaan isaga kala gudbaan xeebaha Soomaaliya maadaama ay isla wada xiriiri doonaan.

Xarumaha laga dhisayo shanta magaalo xeebeed ee Soomaaliya ayaa sidoo kale si dhow ula shaqeyn doono ciidamada caalamiga ee ilaalada xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaalka Dowlada Taiwan hishiiska u saxiixay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com