XASAN Sheekh: Dagaalka kaliya ee na lagu hayo wuxuu kusoo haray oo nagu wada hal dhinac..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in laga gudbay marxaladii dagaalka Siyaasiga la isugu adeegsan jiray hubka culus iyo dagaalka tooska ah ee Siyaasiyiinta dhexmari jiray.

Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu sheegay dadka inay kala aragti duwanaan karaan, balse marka ay timaado kala aragti duwanaansho muhiim ay tahay dadka inay wada hadlaan oo ay isku soo dhawaadaan si loo xaliyo waxyaabaha keenay kala fogaanshaha.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in laga soo gudbay xilligii dagaalka Siyaasiga madaafiicda iyo qoryaha culus la isku adeegsan jiray, balse hada uu maraayo dagaalka Siyaasiga midka Warbaahinta loo adeegsado.

“Dagaalkeena siyaasiga ah maanta wuxuu joogaa oo aan ka sheekeynaynaa waa Saxaafadda, Dagaalka Saxaafadda ayuu nooga soo haray Madaafiic iyo Bambooyin noogama soo harin, waxaan rajeynaynaa inaan ka gudubno Dagaalka Saxaafadda mar dhaw.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu kaloo sheegay inay muhiim tahay wax waliba oo mudan in laga hadlo, meesha mudnaanta ay leedahay in looga hadlo, balse meel waliba aanan looga hadlin.

Siyaasiyiinta Somalida ayaa qalabka Warbaahinta isku mariya hadalo xanaf leh, waana mida keentay Madaxweyne Xasan inuu dagaalka Siyaasada Somaliya ku tilmaamo mid Saxaafadda ku uruuray.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee shalay Kismaayo ka dhacday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com