Gaas, CC iyo Axmed Madoobe oo shir beel isugu haray Kismaayo, kuna ballamay in 2016-ka ay…

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wafdi ay ka mid yihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Xuseen Guuleed ay ka dhoofeen magaalada Kismaayo iyagoo ku sii jeeda magaalada Muqidsho kadib markii uu qabsoomi waayay shirkii wada-tashiga ee Kismaayo.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo sagootiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo goor dhow la filayo inay Muqdisho ka degaan. Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu diyaar gaar ah u raacay Baydhaba.

Cumar-Cweli-GaasDhinaca kale waxaa Kismaayo ku haray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo wararku sheegayaan inay sii joogi doonaan magaalada oo kulamo xasaasi ah oo gaara ay yeelan doonaan.

Kullanka, ayaa xog gaar ah oo aan helnay waxa ya sheegeysaa in diiradda lagu saari doono, aayaha beeshooda Daarood, iyo sida ay u wajihi doonaan shirka lagu ballamay Muqdisho inuu ka dhaco 20-ka bishan.

Wararka waxa ay sheegayaan in Cumar Cabdirashiid, Axmed Madoobe iyo Gaas ay isku aragti ka yihiin sidii ay u qabsan lahaayeen xukunka Soomaaliya sanadda 2016-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com