Xog: Shirkii madaxda Soomaalida ee magaalada Kismaayo oo lagu kala tegay (Yaa fashiliyay?).!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shirkii la filayay inuu halkaasi ku dhex maro dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamulada dalka ka jira lagu kala tegay kadib lagu fashilmay in C/weli Gaas madaxweynaha Puntland lagu qanciyo ka qeyb galka shirkaasi.

Sii-hayaha Wasiirka Madaxtooyada Jubbaland C/qani Cabdi Jaamac oo markii lagu fashilmay shirka magaalada Kismaayo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkii la filayay in madaxda Soomaalida uu ku dhexmaro magaalada Kismaayo uu baaqday.

Shir kale ayaa lagu balamay in 20 bishan September lagu qabto magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn inuu qabsoomi doono shirka cusub ee madax Maamulada iyo Madaxda Dowladda Federaalka oo hiigsiga cusub looga doodayo.

Madaxda Soomaalida ayaa galay sawiro wadajir ah, waxayna xaaladu ku dhamaatay khilaaf iyo kala tag uu sababteeda lahaa madaxweynaha Puntland oo ka gows heysta inuu shir la fariisto dhiggiisa Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxweyne Xassan ayaa waxaa is jiid-jiid kadib saacado ka hor lagu qanciyay in Magaalada Kismaayo uu wada-hadal kula furo Hogaamiyayaasha Maamulada dalka bacdamaa maalinimadii shalay uu diiday in Mas’uuliyiintaasi uu Kismaayo kula xaajoodo.

Shirkaani ayaa ah wejigii Sedaxaad, waxaana horay loogu kala qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com