VIDEO: Axmed Madoobe “Waxaa Jubbaland laga dhigay in dadka lagu cuno oo WARAABE joogo”

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in xaaladda dalka Soomaaliya ay tahay mid aad xun oo cid waliba ay ka hadleyso wax ay noqon doonto kadib 2016-da iyo sidii ay xil u heli lahayd, balse aanay jirin cid ka hadleysa maslaxada umadda iyo xalka.

Axmed Madoobe wuxuu sheegay in Jubba laga faafiyay dacaayad badan inay tahay meel dadka lagu cuno oo halis ah ayna degan yihiin Waraabeyaal, wuxuuna saxaafadda Soomaalida ku eedeeyay in ciddii gacanta u badiya u shaqeyso.

Isagoo la hadlayay guddigii dastuurka Jubba ayuu sheegay inuu saxiixay dhismaha Guddiga Shaqada iyo shaqaalaha oo lagu soo xulay si furan oo dad ajnabi ah ay ka qeyb qaateen, wuxuuna caddeeyay in ciddii shaqo rabto lagu tixgelin doono shahaadooyinka ay heystaan.

Khudbad dardaaran ah oo daacadnimo ka muuqato ayuu Axmed Madoobe jeediyay, wuxuuna ka digay laaluushka iyo qabyaalada lagu dhaqmayo ee xilalka dowladda iyo maamulada lagu qeybsanayo.

Hoos ka daawo Video