Video: Beelaha Hawiye oo ka shiray dagaal siyaasadeedka MUQDISHO ka socda ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxgaradka beelaha Hawiye ayaa maanta shir gaar ah ka yeeshay dagaalka siyaasadeed ee siyaasiyiinta reer waqooyiga ee ku sugan Muqdisho, kuwaas oo u kala jabay laba garab oo ay kala hoggaaminayaan guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulankaas oo laga soo saaray baaq ku aadan arrintaan waxaa hadal ka jeediyey guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, isagoo sheegay in guddoomiye Cabdi Xaashi lagu dulminayo Muqdisho, taasna ay bahdil ku tahay Soomaali oo dhan.

“Hadaan nahay odayaasha Hawiye, waxaan maanta ka hadalnay waxa nagala gudboon cabashada iyo qeylo dhaanta ka soo yeertay qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobollada waqooyi, si gaar ah guddoomiye Cabdi Xaashi, sida aan maqleynay odaygu markii xaaladdu ku xumaatay arrinta waxa uu u soo bandhigay umadda Soomaaliyeed inay garsoor ka noqdaan, meesha qeyladu ka yeereyso anagaa ka odayaal ah, kamana aamusi doono arrintaas,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Nabadoonka ayaa sheegay inay dirayaan laba fariimood oo ku kala socda dadka reer waqooyiga ah ee ku sugan Muqdisho iyo Ra’iisul wasaare Rooble, waxayna kala yihiin labadaas fariin:

1 – “Dadka reer waqooyiga waxaan leenahay Cabdi Xaashi maaha waxa lala dagaalayo ee waa awoodiina, waxaa la yiri Maska madaxa ayaa laga dilaa, tani waa fariin la idinku bahdilayo, sida Soomaalida kale ay xaq ugu leedahay inay is doortaan, ayaad idinkuna xaq ugu leedihiin, odagii idinkugu sareeyey ee la doortay in la bahdilo ma ahan wax aan fiirsa karno, sida aad u kala qeybsan tihiina dhamaantiin ayey idinku tahay dhibaato, aniga aragtideyda waxa lagu sameeyey kooxda Cabdi Xaashi, kama duwana diyaaradii lagu duqeeyey Hargeysa, waxayna sii fogeyneysaa midnimada umadda Soomaaliyeed, reer waqooyina ku gaar maaha ee Soomaali oo dhan ayey taabanee,” ayuu yiri.

2 – “Fariinta labaad waxaan u dirayaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaan leenahay ra’iisul wasaarow anagoo odayaashaadii ah, waxaan kaa codsaneynaa in arrintaas aad dib u eegis ku sameyso, arrintaan saameyn xun ayey nagu yeelan doontaa, waan ognahay meesha mushkiladdu ka jirto, waxaan balan qaadnay inaan kula shaqeyneyno, cabashada reer waqooyiga waa nadhibeysaa, awoodii wax looga qaban lahaana adigaa noo haya, hada dalkena laba dhib ayuu qabaa oo kala ah qadiyadda Somaliland iyo Shabaab, hadii doorashadu sidaan ku meel marto, dhib kale ayaa imaan doona,” ayuu yiri guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye.

Hoos ka daawo