Video: Beesha Reer Garaad ee Mareexaan oo farriin u dirtay madaxweyne Farmaajo

War-murtiyeed
بسم الله الرحمن الرحيم

Shir ay isugu yimaadeen dhaqanka, Siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo Dhallinyarada beesha reer Garaad taariikhdu markay ahayd (11-10-2020) kaas oo looga arrinsanayay kursigii matalaadda beesha ee labada aqal ayaa waxaa ka soo baxay war murtiyeedkan:-

Beeshu iyadoo ka duulayso hannaanka awood Qaybsiga beelaha Soomaaliyeed ee lagu heshiiyay shirkii Carte ee dalka Jabuuri 2000, islamarkaana xiganaysa dustuurka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Iyadoo xusseyso tanaasulaadkii faraha badnaa ee ay marar badan kasoo samaysay, si aysan caqabad iyo culayska ugu siyaadinin xal u helidda dhibaatada raagtay ee soomaaliya.

Beeshu Iyadoo ka dabaaqtamayso dulmiga daba dheeraaday ee laga galayay dhamaan dowladihii is xigxigay ee dalka soo maray, oo ay igu danbaysay dowladdii lasoo dhisay 2016 kaas oo beesha lagu duudsiiyay xuquuqdii iyo matalaaddii ay ku lahayd labada aqal ee baarlamaanka Fadaraalka soomaaliyeed, Waxay beeshu soo saaraysaa Qodobadan soo socda.

1. Beesha reer Garaad waxaa ay ugu baaqaysaa dowladda federaalka ah, Gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudame Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) in uu indhaha ku hayo, mudnaan gaar ahna siiyo hannaan qaybsiga kuraasta metalaadda labada gole ee lagu dooran doono J. Land gaar ahaan Magaalada G/Harrey iyo Kismaayo, si uusan u dhicin boob iyo sad bursi, si aysan mar dambe u dhicin boobkii horey u dhici jirey.

2. Beesha reer Garaad waxaa ay ugu Baaqeysaa Madaxweynaha maamul goboboleedka J. Land Mudane Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe), inuusan soo laaban mar kale dulmigii  dhacay 2016, ee lagu boobay kursigii metalaadda beesha Reer garaad ee J. Land ee golaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

3. Beesha reer Garaad waxaa ay uga digayaan dhaqanka beesha SADE in aysan mar 2aad iyo mar 3aad aysan dhicin boobkii beesha dhexdeeda ahaa ee ku saabsanaa Metalaada Kuraasta labada aqal ee beeshu 4.5 ay saami ahaan ugu heshay, siddii 2016-kii dhacday oo hal beel  si boob ah ay 2 kursi ugu qaadatay, taasoo lagu boobay kursigii metalaadda beesh Reer Garaad.

4. Beeshu waxay ugu baaqaysaa beesha caalamka iyo wadamada daneeya nidaamka iyo geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya inay indhaha ku hayaan, si dhowna ula socdaa hannaanka soo xulista kuraasta 2-da aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee laga soo dooranayo J. Land, si aysan u dhicin wax isdaba-marin iyo boob lakala boobo kuraasta gole-yaasha labada aqal.