Weerar khasaare geystay oo ka dhacay Beledweyne iyo wararkii ugu dambeeyey

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa weerar khasaare kala duwan dhaliyey oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne oo xarun ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaas oo ahaa mid qorsheysan ay fuliyeen dagaalyano ka tirsan Al-Shabaab, waxaana lagu qaaday fariisin ay leeyihiin ciidamada dowladda.

Inta la xaqiijiyey illaa lix askari ayaa ku dhaawacantay weerarkan, kuwaas oo la dhigay isbitaalka guud ee Beledweyne.

Sidoo kale ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in weerarka kadib uu xigay iska hor imaad kooban oo dhex-maray labada dhinac.

Kooxda fulisay weerarka ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsatay is-rasaaseynta kadib.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Beledweyne ayaa weeraro gaadmo ah kala kulmayey dagaalyahanada Al-Shabaab.