Wararkii ugu dambeeyey ee kulamada siyaasadeed ee Nairobi oo qorshe lagu dejiyey

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa ku shirsan Sheekh Shariif Sheekh, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Xasan Cali Kheyre, sidoo kale waxaa halkaas ku sugan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Sidoo kale siyaasiinta Nairobi ku sugan waxaa kamid ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo xubno kale. Dhamaan kulamadaan ayaa leh shirar gaar gaar ah waxaana looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Warar hordhac ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dhinacyadaan oo is arkay ay iska wareysteen xaaladda siyaasadeed Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo ammaanka.

Siyaasiintaan ayaa isla gartay in ay dejiyaan qorshe looga hortagayo mid ay damacsan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo saaxiibadiisa siyaasadda.

“Ilaa hadda ma jirto natiijo rasmi ah oo soo baxday balse waxaa jiro is afgarad laga gaaray sidii loo wajihi lahaa qorshaha uu damacsan yahay Madaxweyne Farmaajo ee ku aaddan doorashada dalka,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb-galay kulamadan.

Xubno kamid ah siyaasiinta halkaas ku sugan oo aan la hadalnay ayaa sheegaya in siyaasiintaan ay marka hore xalinayaan khilaafka dhaxdooda ah, si ay aragti mid ah uga qaateen wax kasta oo keeni kara in doorashada qof ku shubto ama ay dhacdo doorasho aan xalaal aheyn.

Taas kadib waxaa xiga, in musharaxiinta gaaraan heshiis midka ugu rajada dhow kadib wareegga koowaad ee doorashada lagu taageerayo, haddii weli madaxweyne Farmaajo uu taagan yahay, oo aanu ku harin wareegaas, taas oo u badan inaysan dhici doonin.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in shirka ka socda Nairobi oo ah mid aad u adag la filayo in uu ku biiro Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo siyaasiin kale. Siyaasadda Soomaaliya ayaa gashay xaalad adag waxaana socda loolan ay suurta-gal tahay in ay ku baxdo malaayiin lacag ah.