Daawo: Ugaas Maxamed Weli: “Siyaad Barre kadib dowlad aan soo marin ayaa Soomaaliya ka jirta”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugaaska beesha Mareexaan Ugaas Maxamed-Weli Sheekh Axmed Nuur ayaa aad u amaanay dowladan uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isagoo soo bandhiga sifooyin ay leedahay oo dowladdii dhexe ee Maxamed Siyaad Barre kadib dowlad leh aysan Soomaaliya soo marin, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in dowladan oo kale aysan dalka soo marin tii kacaanka ee Maxamed Siyaad uu hoggaaminaayey kadib. Balse uu qirsanyahay inay tabar-darantahay.

Ugaas Maxamed-Weli waxa soo soo tiriyey lix sifo oo sida uu qabo u gaar ah dowladan uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo kala ah.

1 – Seddax sano iyo lix bilood ra’iisul wasaare shaqeeya dowladan ayaa laga arkay.

2 – Ku dhawaad afar sano dowlad mushaarka si toosa u bixineysay, iyadaa laga arkay.

3 – Maxamed Siyaad Barre kadib dowlad qab-leh oo ninkii UN-ka wakiilka uga ahaa Soomaaliya subax ceyrisa, iyadaa laga arkay.

4 – tan iyo burburkii maxaabiistii Soomaaliyeed oo qaarkood laga samray, xaasaskoodiina la guursaday, dowlad wadan kasta ka keentay, iyadaa laga arkay.

5 -30-kii sano ee lasoo dhaafay deyntii caalamku nagu lahaa dowlad qaar laga cafiyey, hadana diyaar loola yahay, iyadaa laga arkay.

6 – Ciidanka Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre kadib dowlad nidaam u sameysay oo mushaahrka joogto u siineysa, iyadaa laga arkay. ‘Ayuu yiri Ugaas Maxamed-Weli’.

“Dowladani dhibcahaas ayey heysataa, tabarteeda ayaa gaaban, faro-gelinta shisheeyaha, waxaan heynaa sawir Turkiga looga qaaday Gabre iyo Faarax Cabdulqaadir oo shiraya, waad aragtee iyadoo Jabuuti lagu shirayo Gabre oo warqadaha u kala bedelaya wasiirkii arrimaha dibadda dowladii Xasan Sheekh,” ayuu yiri.

Ugaas Maxamed-Weli oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Madaxweynaha iyo maamul goboleedyada markii ay shirayaan Gabre inuu dhex fadhin jiray waad ogtihiin, maantana dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyadeeda kaligoodbaa shira ajanibina uma yimaado.”

Hoos ka Daawo