Xog: Cali Khaliif Galeyr walaashiis oo shalay aaskiisa ku hanjabtay arrin xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya waxaa shalay dood adag ay ka dhalatay aaska Allaha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxruum Cali Khaliif Galeyr, taas oo u dhaxeysay xubno kamid ah qoyskiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Warar muhiim ah oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe la aasay Maxruumka kadib markii ay diideen aaskiisa xubno kamid ah qoyskiisa.

Haweeney la dhalatay Prof. Galeyr, oo lagu magacaabo Saafi Khaliif Galeyr ayaa shalay gelinkii hore dhan diidaneed in la aaso meydka iyadoo dalbatay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo, hase yeeshee waxaa markii dambe go’aan gaaray Ugaaska beesha uu Maxruumka ka soo jeedo oo goobtaas ku sugnaa.

“Saafi waxay diidaneed laba arrin oo kala ah, 1) – In la aaso iyadoo aan lagu sameynin baaritaan dhab ah waxa sababay geeridiisa iyo 2) – In aan lagu aasin meel aan aheyn Laascaanood oo ah halka uu ka soo jeedo kana dardaarmay, balse markii dambe dowladda iyo odayaga dhaqanka ee Beesha ayaa ku heshiiyay waana la aasay dood dheer kadib,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan qoyska Marxuum Galeyr.

“Saafi waxay xitaa ku hanjabtay inay sun cabi doonto haddii halkaan lagu aaso, sidoo kalane la aaso isagoon la baarin, markii dambe mas’uuliyiin dowladda ka tirsan ayaa dalbaday in la wado, xaaladeed lala socdo lana ilaalsho maadaama ay sheegtay in ay sun cabi doonto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mas’uulkaan aan la hadalnay.

Allah ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Khaliif Galeyr ayaa dorraad si kedis ah ugu geeriyooday magaalada Jigajiga ee Dhulka Soomaali Galbeed waxaana ilaa hadda geeridiisa ku geedaaman Su’aalo badan oo shaki abuuray.

Inkasta oo mas’uuliyiinta Jigjiga ay sheegeen inuu u geeriyooday COVID-19, haddana sarkaal ka tirsan ONLF ayaa sheegay in la sumeeyey, taasi oo dhalisay shaki iyo carro xooggan.