Cali Maxamed Geedi dan ma u yahay dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya

Prof. Cali Maxamed Geedi oo horey uga soo noqday ra’iisul wasarae dowladdii ku meel gaarka ahayd ee AUN Cabdullahi Yusuf, ayaa hormuud ka ah barnaamij loogu magac daray dib u heshiisiin la rabo in la dhex dhigo ummadda Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah odayaasha Muqdisho oo lasoo xiriiray Caasimada Online, ayaa Cali Maxamed Geedi ku eedeeyey markii uu ra’iisul wasaare ka ahaa Soomaaliya uu dagaal ku qaaday qaar ka mid ah beelaha Muqdisho.

Nabaddoon Xasan Jaamax iyo nabaddoon Maxamuud Cilmi, oo ka mid ah Odayaasha Beesha Habargidir ayaa ku eedeeyey inuu dagaal ku qaaday beesha oo uu u adeegsanayay ciidankii Itoobiyaanka ahaa ee dalka keeneen isaga iyo Cabdullaahi Yuusuf.

Waxay sidoo kale sheegeen in khudbad uu ka jeediyay shirkii u gogol xaarida dib u heshiisiinta uu markale Cali Maxamed Geedi si dadban u bar tilmaameedsaday beesha Habargidir, isagoo sheegay, sida ay yiraahdeen in beero iyo guro ay ku haystaan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Waxay sheegeen in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi oo aan haysan kalsoonida beesha Mudullood uu Cali Maxamed Geedi u arko in uu ka caawin karo soo celinta maqaamka Muqdisho.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa laga gaday barnaamijkan, kaasoo sii hurin doona xiisadda Dowladda iyo Beelaha Hiraab” ayey yiraahdeen.

Odayaasha ayaa ku dooday in maadaama beelaha la doonayo in dib u heshiisiinta la dhex dhigo qaarkood uu qaladaad ka galay Geedi, aysan suurta gal ahayn inuu qeyb ka noqdo hanaankan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com