Sawirro: Danjire Ameeriko oo isku sharxay xilka madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Ameeriko ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

Go’aanka Ameeriko ayaa yimid kadib markii malaayiin qof oo Soomaali ah ay ka codsadeen inuu is-sharxo. Munaasabad uu Danjire Ameeriko kaga dhowaaqay musharaxnimadiisa ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Munaasabadda oo loo agaasimay qaab aad cajiib ah oo horey aan loo arkin waxaa ka qeyb galay dadweynaha Muqdisho, fanaaniin, odayaasha dhaqanka, haween, siyaasiyiin iyo culumaa’udiin.

Waxaa munaasabbada lagu soo bandhigay barnaamijyo cajiib ah oo uu ugu weyn dikriga allah, taasi oo ahayd arrin aan horey looga baran siyaasiyiinta kale.

Ololaha Danjire Ameeriko ee madaxweynaha Soomaaliya, ayaa noqon doona olole shacabka ay lee yihiin, islamarkaana uu Maxamed Cali Ameeriko hoggaamin doono.

Waxaa ka hadlay mas’uuliyiin magac ku dhex leh Bulshada Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Maxamad Cumar Dhalxa, Ex Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo hadana ka mid ah Madaxda Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka, Cali Maxamad Nuux ‘Tima-jilac” oo ah Gudoomiyaha Midowga Xisbiyada Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiintaasi waxay isla qireen Waxqabadka iyo Kartida Maamul ee Danjire Maxamad Cali America oo ah shaqsiyad nadiif ah, isla markaana u qalma Hogaaminta Wadanka.

Musharax Madaxweyne Mudane Maxamad Cali America oo ka hadlay Munaasabaddaasi waxa uu si weyn ugu dheraaday xaaladaha Amni iyo siyaasadeed ee wadanka iyo sida loogu baahan yahay in isbadal muuqda looga hirgeliyo soomaaliya sanadkan 2016 si uu wadanku uga baxo dhibaatooyinkii soo daashaday ulana tartamo asaagiisa dunida horay u martay.

Musharax Madaxweyne Abassador Maxamad Cali America waxaa uu carabka ku adkeeyay inuu balan qaadayo marka la doorto qorshihiisa ugu horeeya inuu ka dhigi doono wax ka qabashada Amniga iyo Cadaaladda, taasoo markii uu ka dhawaajiyay ay Ka soo qeybgalayaashii munaasibadu ay aad sacabka ugu garaaceen.

Dhinaca kale, Kooxaha Faneed ee dalka iyo Suugaanleyda ayaa iyaguna munaasibadaasi ka qaaday heeso wadani ah oo ay ku muujinayeen waxqabadkii Diblomaasiyadeed ee uu horey u muujiyay danjiruhu xiligii uu maamulayay safaaradii Soomaaliya ee wadanka Kenya xiligaas oo dadka Soomaaliyeed ay aad ula dhaceen wax qabadkiisii looguna magac daray “Danjirihii Qarniga”.

Si kastaba ha ahaatee Hadal haynta Musharax Maxamad Cali America ee ku aadan qabashada xilka madaxtinimo ee Soomaliya ayaa isa soo tareysay todobaadyadii ugu dambeeyay iyada oo ay dadka Soomaaliyeed ku tilmaameen Mas’uulka kaliya ee ay ku han weyn yihiin inay Soomaaliya ka baxdo colaadaha burburka iyo habacsanaanta Dowladnimo iyo Amni-darida ku raagtay.

14191352_1146765375369092_94486292_o14203044_1146765418702421_693670477_o14203045_1146765745369055_1588659436_o14203051_1146765762035720_676515477_o14203693_1146765358702427_1910795176_o14247821_1146765895369040_868548997_o

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com