Daawo sawirada wixii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe uu goordhow ka dhacay Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Banaanbaxaani ayaa waxaa ka qeybgalay dadyow kala duwan waxaana sidoo kale ku wehlinaayay Odayaal hormuud u ah garabka Mucaaradka ee iminka ku sugan magaalada Beledweyne iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaankaasi.

Dadka dibad baxayaasha ayaa watay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo kala duwan oo ay kaga soo hor-jeedaan shirka Jowhar.

Dibad baxayaasha waxa ay cod dheer ku sheegayeen inay taagersan yihiin go’aankii Odayaasha Dhaqanka reer Hiiraan ay ku diideen ka qaybgalka Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Waxa ay sidoo kale ku qeyla dhaaminayeen in maamul u gaar ah loo dhiso, kaasi oo ka madax banaan maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Banaanbax 1

Banaanbax 2

Banaanbax 3

Banaanbax 4

Banaanbax 5

Banaanbax 6

Banaanbax 7

Banaanbax 8