Xog: Maxaa kusoo kordhay Khilaafkii QM iyo AU-da ee Garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo ku saabsan khilaafkii gudaha Asbuucii tagay ka dhex curtay Saraakiisha UN-ka ka jooga Somalia iyo kuwa AU-da ee ka howlgala magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Khilaafka oo ahaa mid ka dhashay jarista ama xiritaanka wadada isku Isgoyska KM4 iyo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Kulan labaad oo arrintaani ku saabsan kana dhacay Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, ayaa la sheegay in mar kale ay ku kala booden Saraakiisha UN-ka iyo kuw AU-da ee magaalada Muqdisho, iyadoo ujeedka kulanka labaad uu ahaa in xal laga gaaro khilaafkii ka dhashay kulankii koowaad ee ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee magaalada Muqdisho Talaadadii la soo dhaafay.

Saraakiisha UN-ka ayaa mar kale soo bandhigtay in wadada gasha Garoonka Aadan Cadde laga jaro xarunta UNDP ilaa Garoonka iyadoo sidoo kale ciidamo dheeri ah la dhigaayo laga soo bilaabo Isgoyska KM4 ilaa xarunta UNDP, waxaana arrintaasi mar kale ka hor imaaday Saraakiisha AU-da ee dooda kula jirta kuwa UN-ka.

Saraakiisha AU-da waxa ay iyaguna soo jeediyeen in faraha looga qaado sugida amniga wadada gasha Garoonka, isla markaana ay diyaar u yihiin in lagala xisaabtamo wixii ka dhaca wadadaasi.

Saraakiisha AU-da waxa ay sheegtay in wadadaasi ay ku daadin doonaan eeyo iyo ciidamo faraban oo ka hortaga gaadiidka wada Qaraxyada iyo kuwa laga shakiyo, hayeeshee waxaa ayna fekerkaasi ka hor imaaday Saraakiisha UN-ka.

Saraakiisha UN-ka waxa ay sheegen in muhiimada jarista wadadaasi ay tahay keliya inta ay socto diyaar garowda doorashada wixii ka danbeeya doorashada ay dib u fasixi doonaan wadadaasi, waxaana go’aankaasi ka hor imaaday Saraakiisha AU-da.

Kulanka labaad ee u dhexeeyay labada dhinac ayaa isna kusoo idlaaday fashil waxaana sababta ugu badan ee fashilkaasi uu ka imaanaayay dhanka Saraakiisha UN-ka oo iyagu mar waliba isaga baxaayay shirka xalka looga gaari lahaa wadadaasi lagu muransan yahay.

Ma jirto go’aan lagu gaaray xal u helista wadadaasi, waxa aysa u muuqaneysaa in khilaaf dheer kadib uu hirgali doono go’aanka UN-ka ee ah in gabi ahaan la jaro wadadaasi gasha garoonka Aadan Cadde.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com