Gebra oo la yimid qorsho cusub oo uu isaga jeedinayo indhaha Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Wakiilka Ethiopia u qaabilsan arrimaha Siyaasada Somalia Gen. Gebra uu sheegay inuu ka gaabinaayo wadahadalkii uu ka dhex waday Odayaasha labada garab ee kala jooga magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar.

Gebra ayaa sheegay in Odayaasha labada garab ay kala fogyihiin waxa uuna sheegay in wadahadalka culeyskiisa uu u daayay Danjiraha IGAD ee Somalia Afey.

Gebra waxa uu sheegay in Afey looga baahan yahay inuu u dhabar adeego isu soo dhaweynta labada garab, waxa uuna tilmaamay in wadahadalkaasi uu ku biiri doono haddii ay xaajadu noqoto mid adag.

Fekirka Odayaasha Hiiraan ayuu sheegay in iminka uu ka hooseeyo sidii hore balse loo baahan yahay in lasii dhameystiro si ay guul ugu soo hoyato IGAD.

Gen. Gebra ayaa dhawaanahaani ku sugnaa magaalada Beledweyne waxa uuna halkaasi u gaarayay sidii leysugu soo dhaweyn lahaa odayaasha Hiiraan ee ku sugan magaalada Beledweyne iyo kuwa ku biiray shirka ka socda magaalada Jowhar, waxa uuna u jeedkiisa ugu weyn yahay in Odayaasha diidan shirka Jowhar laga qanciyo hadafka ay ku dhagan yihiin.

IGAD ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii loo ambaqaadi lahaa shirka maamulka loogu sameynaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxa aysa dadku yihiin kuwo is weydiinaaya waxa Gebra ka khuseeya arrintaani.

Talaabada gaabiska ah ee uu la imaaday Gebra ayaa u muuqaneysa mid uu isaga jeedinaayo indhaha Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com