Keating: Xasan Sheekh iyo Jawaari ayaa dusha saaran doona mas’uuliyada wixii ka dhasha…”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michel Keating, ayaa mar kale walaac hor leh ka muujiyay qaabka ay DFS u dhaqan galineyso doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Michel waxa uu sheegay in Beesha Caalamka ay arrinta doorashada kala xisaabtami doonto Madaxweynaha Somalia iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Michel waxa uu walaac ka muujiyay astaamaha doorashada oo aan wali ka muuqan dalka, waxa uuna cadeeyay in taasi ay walaac galineyso Beesha Caalamka.

Madaxtooyada Somalia ayuu sheegay inay ka caga jiideyso hirgalinta ololaha iyo howlaha la xiriira doorashada, balse waxa uu cadeeyay in dib u dhac mar kale ku yimaada doorashada ay saameyn ku reebi doonto Xassan Sheekh iyo Jawaari.

Mas’uuliyada koowaad ayuu sheegay inuu qaadi doono Xassan Sheekh, halka Mas’uuliyada labaad uu qaadi doono Jawaari, bacdamaa dhaqdhaqaaqa doorashada ay iyaga u xaniban tahay, sida uu hadalka u dhigay.

Michel waxa uu ka digay in la qalqal galsho amniga Somalia, waxa uuna cadeeyay in Beesha Caalamka ay diyaar u tahay qaadida talaabo lid ku ah kuwa qalqal galinta la damacsan howlaha doorashada.

Dhinaca kale, Xassan Sheekh ayaa wareysigiisa ugu danbeeyay ku xaqiijiyay in dowladiisu aysan ku dhaqaaqi doonin wakhti kororsi labaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com