Ciidamada Puntland oo weeraray shirkad ku taal Garoowe + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay weerar ku qaaden Xarunta shirkada Isgaarsiinta Golis ee magaalada Garoowe.

Ciidamadaani ayaa la sheegayaa in goordhow ay albaabada u laaben shirkada, iyadoo halkaasi ka xiray tirro Saraakiil ah oo ka tirsan maamulka Shirkada.

Ciidamada ayaa sidoo kale shaqaalaha ku amray inay xiraan xarunta isla markaana ay u kala dareeran guryahooda.

Sababta xirista shirkada ayaa la sheegay inay tahay in maamulka shirkada aysan bixin canshuurtii lagu lahaa oo ku dhow 30%, waxaana maamulka lagu wargaliyay in furitaanka shirkada ay ku xiran tahay bixinta lacagaha canshuurta.

Ciidamo ayaa iminka ku hareereysan shirkada waxaana la diiday in shirkadaasi la furo iyadoo aan amar kasoo bixin laamaha khuseeya canshuurta.

Dhinaca kale, Maamulka Puntland ayaan weli ka hadal Xariga Shirkadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com