Madaxweynaga oo ugu danbeyntii qiray Hanti la boobay iyo sida laga yeeli lahaa dadka loo qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wararka sheegaya in ciidamada DFS ay xabsiga dhigeen mas’uuliyiin ka tirsan Bankiga dhexe ee Somalia.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in markii ay heleen xogta ku aadan in dhaqaale laga xaday Bankiga ay amar ku bixiyeen in la xiro tirro mas’uuliyiin ah, waxa uuna qiray inay jiraan dhaqaale xoogan oo laga xaday Bankiga.

Madaxweynuhu waxa uu cadeeyay in Bankiga Dhexe loo geystay Xatooyo, balse uusan ka jirin Bankiga waxa loogu yeero musuq-maasuq.

Waxa uu sheegay in xatooyo waliba oo dhacdaa ay dowlada Federaalka ah ka bixin doonto jawaab celin, waxa uuna farta ku goday in shaqsiyaadka iminka u xiran xatooyadaasi aysan si sahlan uga baxsan karin la xisaabtanka lagu hayo.

Sidoo kale, waxa uu xaqiijiyay in ragii lacagta ka xaday Bankiga dhexe aysan wali dowladda Soomaaliya gacanta kusoo dhigin ,laakiin ay ku daba joogto.

Waxa uu sheegay inay cadahay sida laga yeeli lahaa shaqsiyaadkaasi waxa uuna carab dhabay inay marayaan ciqaab waa haddii lagu helo kiiskaasi.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in baaritaanka dhacdadaani cusub ay u daayen Hay’adaha amaanka oo iminka gacanta ku haya baaritaanka raga u xiran tuhunka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com