Nabadoonka Beesha eritrea ee Somalia “Xasan laba arrin midkood ha cadeeyo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoonka Beesha eritrea ee Somalia Ali Fikak oo u waramaayay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay sida ay DFS uga gaabsaneyso ka jawaabida dhambaalad ay warbaahinta u marinayaan.

Nabadoon Ali Fikak waxa uu sheegay in waxa ka jira Somalia uusan wali ku arag adduunka waxa uuna sheegay in DFS ay indhaha ka qabsaneyso cabashooyinka Beesha eritrea ee boqol sano ka hor ku nool Somalia.

Nabadoonka waxa uu sheegay in marka loo laabto sharciga in ay xuquuq ku leeyihiin DFS, waxa uuna tusaale usoo qaatay maamulada loo dhisaayo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe iyo kan Banaadir.

Nabadoonka oo la hadlaayay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa yiri ”Cabashooyin badan ayaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha u marinay warbaahinta ma jiraan wax jawaab ah oo aan ka helnay taasi waxaan u aragnaa in laga gaabinaayo qancinta Beesha eritrea oo xubno ku lahaan jiray dowladihii hore”

”Madaxweynaha waxaan ka dooneynaa in laba arrin midkood uu noo cadeeyo in Somalia aan ku leenahay xuquuq lamid ah tii aan ku lahaan jirnay dowladii Dhexe ee Somalia iyo inuu cadeeyo inaanu nahay dad aan u xisaabsaneyn Soomaalida, gaar ahaan DFS”

”Soomaalida ku nool dalka eritrea waxa ay dowladu ku sharaftay hal wasiir iyo dhalasho la siiyay dhammaan Soomaalidii ku nooleyd dalkaasi, su’aashu waxa ay tahay maxay noo xumeyneysaa dowlada Somalia miyaanan Somalia ku dhalan xaqna u laheyn waxa ay xaqa u leeyihiin Soomaalida kale dowladu ha cadeyso mowqifkeeda”

”Ra’isul wasaaraha cabashadeenu xafiiskiisa ayaa loogu geeyay kama uusan jawaabin taasi waxaan u aragnaa inay tahay xushmad la’aan ay dowladu u heyso eritrea Somalia ku nool”

Nabadoon Ali Fikak waxa uu sheegay in dowlada Somalia aysan ka fileynin tan iminka lagu hayo, waxa uuna tusaale usoo qaatay xubnaha ay dowladu siisay Beesha Yemen ee ku nool dalka Somalia, waxa uuna carab dhabay in degnaansho ahaan ay Yemeniinta uga soo horeeyen Somalia.

Dhinaca kale, Nabadoon Fikak ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia uu cadeeyo mowqifkiisa isla markaana ay DFS isku daydo in xushmad gaar ah loo muujiyo Beesha eritrea ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com