Video: DF oo baneysay guurka isku jinsiga & galmada xaaraanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Culimada, waxgaradka iyo odayaal dhaqameed ayaa si weyn uga hor yimid xeer lagu magacaabo SIYAASADDA QARAN EE JINSIGA oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska xukuumadda Soomaaliya, ayna dhowaan ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Culimada ayaa Siyaasadda Qaran ee Jinsiga ku tilmaamay mid halis ku ah diinta islaamka iyo dhaqanka, isla markaana qodobada ku jira qoraalkaasi ay dhiiri gelinayaan Sinada.

Odayaasha qaarkood ayaa ku baaqay in xukun lagu rido ciddii diyaarisay qoraalkaasi, iyadoo la heli doono cid disha ana xukunka ku fulisa, waxaana dowladda laga dalbaday in gebi ahaan la baabi’iyo siyaasadda Qaran ee Jinsiga.