Xog: Qorshe ciidamada Amisom looga wada dhigayo Ethiopian

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa wada qorsho ay kula wareegeyso guud ahaan amniga Somalia, ka gadaal markii ay QM usoo bandhigtay in ciidamadeeda lagu wareejiyo kaalinta ay heyso AMISOM.

Dowlada Ethiopia ayaa qorshahaasi ka dhaadhicineysa QM iyo Eu-da oo si rasmi ah wax ula wada, waxa ayna ka faa’iideysaneysaa guuxa la xiriira mushaar la’aanta heysata ciidamada AMISOM.

Dowlada Ethiopia ayaa dooneysa in meesha ay ka bixiso Taliska guud ee AMISOM, si ay ula wareegto amniga magaalada Muqdisho oo iminka gacanta ugu jira Dowlada Ugandha oo ciidamada ugu badan ay ka socdaan.

Dowlada Ethiopia ayaa xooga saareysa si ciidamada kale ee ka tirsan AMISOM looga saaro Somalia islamarkaana iyada loogu wareejiyo amniga.

Ethiopia ayaa si hordhac ah u ballanqaaday in ciidamadeeda aysan u baahnaan doonin wax taageero ah oo kaga imaanaya Caalamka balse ay diyaar u tahay inay la wareegto amniga magaalada Muqdisho.

Ma jirto macluumaad intaa ka badan oo laga helaayo qorshaha Dowlada Ethiopia ee ku aadan la wareegida amniga Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com