Xog: Xasan oo R/W CC u sheegay inuu faraha kala baxo guddiga…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu ka biya diidan yahay in Ra’isul wasaaraha dalka cumar C/rashiid uu wax ka diyaariyo Guddiga doorashooyinka 2016-ka ee Somalia.

Ilo wareedka ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan uu kulan la qaatay Sharmaarke isaga oo kala hadlay arrinta Guddiga balse ay isku khilaafeen habka loo dhisaayo Guddiga lagu heshiiyay in wax laga bedelo.

Isfahan waaga Xassan Sheekh iyo Sharmaarke ee ku aadan hanaanka loo saxaayo Guddiga ayaa waxa ay soo dadajisay in Ra’isul wasaaraha si KMG ah looga hakiyo in tallo uu ku yeesho xubnaha lagu soo kordhinaayo iyo kuwa laga saaraayo Guddiga.

Madaxweyne Xassan oo isugu yeeray dhinacyada la yagleeshay Guddiga la diiday qaab dhismeedkiisa ayaa halkaasi ka iclaamiyay in Sharmaarke ilaa iyo amar danbe wax tallo ah ku yeelan karin howlaha Guddiga.

Khilaafka iyo Muranka labada mas’uul ayaa yimid kadib markii Xassan uu la imaaday liis ay ku xusan yihiin xubno cusub, halka Sharmaarke uu isna ka laalay liiska.

Docda kale, isfahan’waagaani cusub ayaa carqalad ku noqon karta hanaanka doorasho ee dalka bacdamaa Beesha Caalamka ay horay uga digtay Guddiyada dhinaca u badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com