Daawo Sawirada halaagii xalay ka dhacay garoonka ISTANBUL.!!

Istanbuul (Caasimada Online) – Weerarka ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, in kabadan 20 kalena way dhaawacmeen kadib markii qaraxyo ismiidaamin ah ay ka dhex dhaceen Garoonka diyaaradaha Ataturk ee magaalada Istanbul.

Weerarka ayaa waxaa fuliyay labada ruux kuwaasi oo la sheegay in weeraro ay ku qaaden Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Garoonka, ka hor intii aysan is qarxin.

Ciidamada weerarka lagu qaaday ayaa toogtay mid kamid ah ragii weerarka qaaday, iyadoo midka kalana ay u suurtagashay in uu isu qarxiyo goobta gawaarida la dhigto.

Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay tacsi u direyso ehelada dadkii ku dhintay weearka, sidoo kalana alle uga baryay in uu dag dag u bogsiiyo kuwa ku dhaawacmay.

Recep Tayyip, ayaa sheegay in u jeedka Argagixisadu uu ahaa in ay laayaan dadka maatida ah ee aan waxba galabsan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Turkiga

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17