Sawirro cadeyn ah: Ka ganacsiga dhuxusha iyo Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka inaga soo gaaraya Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo ganacsi lagu xaalufinaayo dhirta loo isticmaalo dhuxusha.

Xaalufinta dhirta ee ka socta degmadaasi ayaa waxaa iska kaashanaaya maamulka Jubbaland iyo Dowlada Kenya oo heshiis ku ah dhoofinta dhuxusha, waxaana la tilmaamayaa in halkaasi ay ka howlgalaan inkabadan 45 shaqaale oo ay howshoodu tahay xaalufinta dhirta.

Shaqaalahaani ka howlgala Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa ku jira kuwo Somalia-Kenya ah oo ka socda dhanka Dowlada Kenya islamarkaana Jubbaland ka caawiya dhanka gurista iyo gubista dhirta loo isticmaalo dhuxusha.

Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa maalin waliba ka xirxirta gaadiid aad u weyn kuwaasi oo Dekadda Kismaayo u daldala Dhuxusha laga sameeyay dhirta la xaalufiyay.

Dadka deegaanka dhirta laga guro ayaa sheegay in caqabado xoogan ay kala kulmaan ciidamo daacad u ah Madaxweynaha maamulka kuwaasi oo dadka ku cadaadinaaya inay afka ka qabsadaan xaalufinta dhirta.

Sodomeeyo qoys ayaa dhowr jeer loo xiray faragalinta arrimaha la xiriira xaalufinta dhirta kadib markii ay maamulka ka dalbadeen in laga joojiyo.

QM ayaa dhowr jeer qoraalo ku xaqiijisay in Hogaamiyaha maamulka Jubbaland uu dhuxusha ka macaasho dhaqaale aad u xoogan, isaga oo u iibgeeya dalka Kenya.
dhuxusha1

dhuxusha2

dhuxusha3

dhuxusha4

dhuxusha5

dhuxusha6